Shaqaala markab saarnaa oo lagu beegsaday marinka Hormuz ayaa la daad gureeyay
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii markab ku saarnaa oo xalay lagu weeraray marinka Hormuz la daad gureeyay. Weerarku wuxuu dhacay meel u dhow xadka Ukraine iyo Poland, halkaas oo diyaaradda aan duuliye lahayn ee Ruushka ay ku dhacday. Weerarka ayaa haleelay matoorka tareen, balse khasaare ma jiro.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku teedsan Gacanka Faaris oo maanta ka dhici lahaa Cumaan la dib u dhigay, iyadoo go’aankaas ay si wadajir ah u gaareen Iran iyo Cumaan kadib codsi ka yimid qaar ka mid ah dalalka gobolka. Iran ayaa sheegay inay la tashan doonto Cumaan si loo go’aamiyo waqtiga cusub ee kulanka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay doonayso heshiis, balse uu aqbali doono oo keliya heshiis uu u arko mid wanaagsan. Trump ayaa intaa ku daray in dagaalka Iran uu dhammaan doono ka hor ama wax yar kaddib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka, 3-da November, isla markaana qiimaha naaftada iyo shidaalka uu hoos u dhici doono.
