Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Jabuuti
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti. Waxa uu halkaas u tegay si uu u hoggaamiyo wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD.
Shirkan ayaa isu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, waxaana looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah dalalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga waddamada Geeska Afrika. Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya doorka ay dowladda federaalka ka qaadanayso arrimaha gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dalalka xubnaha IGAD.
Wasiirka Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta kale ee shirka ka qaybgalaya, isagoo diiradda saaraya danaha Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka.
Xigasho: Goobjoog —
