Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Gal
01:42
MUQDISHO

Muungaab iyo Duqa Jabuuti oo saxiixay heshiis iskaashi oo ganacsi iyo maalgashi ah

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Duqa Jabuuti Said Daoud Mohamed ayaa maanta magaalada Jabuuti ku kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga labada caasimadood. Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.

Muungaab ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan bulsho, dhaqan iyo diin, isagoo tilmaamay in xiriirkan aanu jirin wax ka goyn kara. Waxa uu sidoo kale casuumaad rasmi ah u fidiyay Duqa Jabuuti si uu u booqdo Muqdisho, wuxuuna ganacsatada reer Jabuuti ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan caasimadda Soomaaliya.

Duqa Jabuuti Said Daoud Mohamed ayaa heshiiska soo dhoweeyay, isagoo sheegay inuu abuuri karo fursado cusub oo labada magaalo ka wada faa’iideystaan. Waxa uu cadeeyay in Jabuuti ay diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed ee Muqdisho. Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli labada dowladood ay ballaarinayaan xiriirkooda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London