Muungaab iyo Duqa Jabuuti oo saxiixay heshiis iskaashi oo cusub
Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Duqa Jabuuti Said Daoud Mohamed ayaa maanta magaalada Jabuuti ku saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada caasimadood. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.
Muungaab ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan bulsho, dhaqan iyo diin. Waxa uu sidoo kale safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay fududeynta wada-hadallada labada maamul. Duqa Jabuuti ayaa isna sheegay in heshiisku horseedi karo fursado cusub oo labada magaalo ay ka wada faa’iideystaan.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ay ballaarinayaan xiriirkooda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed. Waxa uu yahay tallaabo lagu xoojinayo iskaashiga magaalooyinka, iyadoo la doonayo in xiriirka siyaasadeed uu sidoo kale dhalin karo iskaashi dhaqaale oo muuqda.
Xigasho: Caasimada Online —
