Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Gal
00:45
MUQDISHO

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo biyo oo qoysas ku nool Bari

Raadiyo 5 Newsroom 2 daq akhris

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Deegaanka Tasjiic ee gobolka Bari iyo lix tuulo oo hoos yimaada ayaa wajahaya biyo yari daran tan iyo bilowgii August, kadib markii ilaha biyaha dabiiciga ah ee ay dadka deegaanka ka cabbi jireen ay qallaleen. Dadka ayaa hadda ku qasban inay biyo ka iibsadaan magaalada Waaciye oo 40 kiiloomitir u jirta, taasoo ku kacaysa $150 booyadkiiba, halka qiimaha fuustana uu yahay $6 ilaa $8, lacag aan dad badan awoodin.

Saytuun Mahad Maxamed oo ka mid ah dadka dhibaatadu saameysay ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 10 qof ah ay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo biyo ah oo marmar la siiyo, isla markaana ay la kulmayaan cunto xumo, shaqo la’aan iyo xaalado nololeed oo liita. Waxay tilmaamtay in qoyskeeda ay saameeyeen colaadda Calmiskaad, abaaraha, barakaca iyo shaqo la’aanta, taasoo keentay in xoolihii ay dhaqan jireen ay u badnaayeen inay dhintaan.

Muumino Shire Nuur oo sidoo kale deegaanka ka tirsan ayaa sheegtay in biyo joogto ah aysan helin tan iyo August, iyadoo carruurteeda qaar ay la ildaran yihiin shuban iyo matag, isla markaana aysan awoodin inay daawo u iibsato. Waxay xustay in ninkeeda uu sanadkii 2024 u geeriyooday, iyada oo ay ku adkaatay inay ka bixiso daymaha dukaamada iyo kharashka nolol maalmeedka. Guddoomiyaha deegaanka Tasjiic Faarax Nuur Cali ayaa sheegay in biyo yari ay saameysay in ka badan 10,000 qof oo ku nool deegaanka iyo magaalooyinka ku dhow.

Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London