Haraad iyo gaajo ka taagan deegaanka Tasjiic ee gobolka Bari
Deegaanka Tasjiic iyo lix tuulo oo hoos yimaada ayaa wajahaya biyo yari daran tan iyo bilowgii August, kadib markii ceel-biyood dabiici ah oo ay dadka deegaanka ka cabbi jireen uu qallalay. Dadka deegaanka ayaa hadda ku qasban inay biyo ka iibsadaan magaalada Waaciye oo 40 kiiloomitir u jirta, taasoo ku kacaysa $150 booyad kasta, halka fuustii biyaha la gadaa ay ku kacayso $6 ilaa $8, lacag aan dadka badankood awoodin.
Saytuun Mahad Maxamed oo ka mid ah dadka dhibaatadu saameysay ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 10 qof ah ay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo biyo ah oo marmar la siiyo, islamarkaana xaaladda biyaha ay saameyn weyn ku yeelatay noloshooda. Waxay tilmaantay in biyo yari iyo gaajo ay la kulmeen, iyadoo carruurta qaar aysan helin biyo ku filan oo ay ku qubaan ama ku dhaqaan dharka.
Muumino Shire Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in biyo joogto ah aysan helin tan iyo bilowgii August, isla markaana ay ku tiirsan tahay biyaha ay ka hesho dariskeeda. Waxay xustay in meherad ay ku iibin jirtay alaabooyin nolol maalmeedka ay burburtay, iyadoo sidoo kale la kulantay dhibaatooyin dhaqaale iyo waxbarasho la’aan oo saameysay carruurteeda.
Guddoomiyaha deegaanka Tasjiic, Faarax Nuur Cali, ayaa sheegay in biyo yari ay saameysay in ka badan 10,000 qof oo ku nool deegaanka iyo magaalooyinka ku dhow, kuwaasoo hore uga cabbi jiray ceelal bilaash ah oo hadda qallalay. Waxa uu tilmaamay in abaaraha iyo colaadaha deegaanka ay sii adkeeyeen xaaladda biyo la’aanta iyo macluusha.
Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —
