Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay hawlgalkii lagu soo furtay markabkii MV LATUF
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga lagu soo furtay markabka MV LATUF, kaas oo burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Sida ay sheegtay Wasaaradda, hawlgalka oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa lagu burburiyay afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda ay ku dhinteen hawlgalka.
Ciidamada ayaa ugu dambayn si buuxda ula wareegay markabka MV LATUF, kaas oo hadda si nabad ah u sii wata safarkiisii.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalkan uu saldhig u yahay heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo uga digtay kooxaha ku lugta leh falalka burcad-badeednimada in lala xisaabtami doono sharciga hortiisa.
Wasaaradda ayaa bogaadisay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga ee fuliyay hawlgalka.
Xigasho: Goobjoog —

