Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulan la yeeshay dhiggiisa Qatar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jaasim Al Taani, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo Doha.
Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaare Xamza ku wehliyay wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarrada la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan oo ku dhisan iskaashi. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Xigasho: Caasimada Online —

