Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Gal
17:21
MUQDISHO

Xisaabiyaha Guud oo nidaamka mushaharka ku xiriirinaya NIRA

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ku wargeliyay qorshe lagu isku xiriirinayo Nidaamka Mushahar-bixinta Dowladda iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Warqad ku taariikhaysan 29-kii Agoosto 2026 ayaa lagu sheegay in hirgelinta nidaamka cusub ay bilaaban doonto 1-da Oktoobar 2026, iyadoo marka hore la sameynayo tijaabo. Kadibna nidaamka si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa hay’adaha dowladda, iyadoo la filayo in la soo gabagabeeyo 31-kii Diseembar 2027.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in isku-xirka labada nidaam uu muhiim u yahay xaqiijinta xogta shaqaalaha, hubinta mushaharka iyo la-dagaallanka shaqaalaha aan jirin iyo khaladaadka ka dhalan kara nidaamka mushahar-bixinta.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in shaqaalaha aan NIRA ka diiwaangashanayn ama aan xogtooda si sax ah loo xaqiijin karin aan lagu dari doonin nidaamka mushahar-bixinta marka nidaamka cusub si rasmi ah u dhaqan galo.

Xigasho: Goobjoog —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Wararka