Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Gal
17:20
MUQDISHO

R/W Xamza oo kulan la yeeshay dhiggiisa Qatar

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris
147281 Navy Irregular Warfare and Counterterrorism Operations Background and Issues for Congress (IA 147281NavyIrregularWarfareandCounterterrorismOperationsBackgroundandIssuesforCongress-crs).pdf
Sawir: Congressional Research Service (Public domain) — Wikimedia Commons

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jaasim Al Taani, intii uu joogay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Doha.

Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaare Xamza ku wehliyay wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarrada la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida dalka.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha caalamka, gaar ahaan amniga iyo nabadda, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen xal u helista caqabadaha saameynaya ganacsiga caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan oo ku dhisan iskaashi. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Wararka