Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Gal
16:31
MUQDISHO

Ugaas Xasan oo shacabka Baydhaba uga digay dagaal

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhrisLa cusboonaysiiyay 14 saac ka hor
La wadaag

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa maanta digniin cusub ka soo saaray xaaladda magaalada Baydhaba.

Afhayeenku wuxuu shacabka ugu baaqay inay fogaadaan goobaha ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, si aysan waxyeelo ugu dhicin. Sida uu hadalka u dhigay, dagaal kasta oo dhaca wuxuu sababi karaa dhib iyo khasaare dadka rayidka ah.

“Walaalayaal reer Baydhabo, waxaan idiinku boorrinaynaa inaad ka feejignaataan kuwa duulanka kuyimid xaafadihiinna dhufeysyada ka qotay, gaar ahaan Salbalaar iyo Afbalaar. Dagaal kasta oo dhaca wuxuu sababi karaa in dhib iyo khasaaro ay soo gaaraan shacabka. Sharfta leh kana fogaada goobaha ay joogaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Digniintan ayaa imanaysa xilli Baydhaba ay ka taagan tahay xaalad amni oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed ay hadallo iska soo horjeeda ka soo saarayaan. Dhinacyada ayaa horay ugu dagaalamay gudaha magaalada iyo daafaheeda, dagaalkii ugu dambeeyayna wuxuu sababay khasaare dadka rayidka ah.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Sabti, 29 Agoosto 2026
Wararka