Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Gal
00:45
MUQDISHO

Muqdisho oo si rasmi ah looga furay Shirweynaha Qaran ee Adeegyada Cimilada Soomaaliya

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah loogu furay Shirweynaha Qaran ee Adeegyada Cimilada Soomaaliya (NCOF OND 2026). Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa saadaasha cimilada iyo xogaha la xiriira isbeddelka cimilada.

Ujeedada shirweynaha ayaa ah in la xoojiyo adeegsiga xogta cimilada, kor loogu qaado diyaar-garowga bulshada iyo hay’adaha dowladda, iyo in go’aan qaadashada lagu saleeyo xog iyo saadaal cimiladeed oo sax ah. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin dowladda, khubaro cimilada ku takhasustay, iyo hay’ado kale oo la shaqeeya arrimaha cimilada.

Shirweynahan ayaa la filayaa inuu kaalin muhiim ah ka qaato xoojinta iskaashiga hay’adaha iyo horumarinta adeegyada saadaasha cimilada. Soomaaliya ayaa wajahaysa saameyn xooggan oo ka dhalatay isbeddelka cimilada, sida abaaro iyo xaalado cimilo oo isbeddelaya.

Xigasho: Goobjoog —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 14 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London