Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle oo Shaaciyay Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka 2026
Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Hirshabeelle. Doorashadii hore loo qorsheeyay 20-ka Agoosto 2026 ayaa dib loo dhigay, iyadoo lagu saleeyay waajibaadka shaqo ee sharciga guddiga iyo doorashooyinka.
Jadwalku wuxuu muujinayaa in geedi-socodka doorashada uu bilaaban doono bisha Sebtembar 2026. Liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha ayaa la shaacin doonaa 2-da Sebtembar, halka 15-ka Sebtembar la astayn doono goobaha codbixinta. Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qaybinta kaararka ayaa bilaabanaysa 16-ka Sebtembar.
Sidoo kale, liiska kama dambaysta ah ee codbixiyayaasha ayaa la faafin doonaa 19-ka Sebtembar, waxaana 22-ka Sebtembar la shaacin doonaa liiska rasmiga ah ee musharixiinta ururrada siyaasadda. Ololaha doorashada ayaa xirmi doona 28-ka Sebtembar, halka maalinta doorashada loo asteeyay 30-ka Sebtembar 2026. Guddigu wuxuu ku baaqay in ururrada siyaasadda iyo shacabka Hirshabeelle ay diyaar garoobaan.
Xigasho: Goobjoog —

