Dad colaad ka barakacay oo cuno yari iyo hoy xumo ku wajahaya Sanaag
Boqollaal qoys oo ka barakacay dagaal qabiil oo ka dhacay deegaanka Dawaco ee gobolka Sanaag ayaa wajahaya cuno yari, biyo yari iyo hoy xumo. Dadkaasi ayaa ku nool dhul miyi ah iyo deegaano kale oo ay ku barakaceen tan iyo 25-kii July.
Leyla Maxamed Jaamac oo ka mid ah dadka saameynta ku dhacay ayaa sheegtay inay ku adag tahay inay hal mar dabka shitaan, ayna ku tiirsan yihiin qoys kale oo ay la nool yihiin. Waxay tilmaamtay in cunno yarida iyo helitaanka biyaha ay yihiin dhibaatooyin waaweyn oo ay la kulmaan, sidoo kalena carruurteeda aysan hadda heli karin waxbarasho.
Guddoomiyaha deegaanka Dawaco, Cabdi Askar Guuleed, ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay dhul daaq-simeed laysku qabsaday, isla markaana ay ku dhinteen 7 qof, halka 600 qoys ay barakaceen. Colaadda ayaa ku soo beegantay xilli jiilaal ah oo dadka deegaanka ay horey uga dhibaatoonayeen abaaro.
Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —


