Trump oo sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay codsadeen in Mareykanka uusan faragelin dagaalka Sacuudiga
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyey in Xuutiyiinta Yemen ay la soo xiriireen maamulkiisa, iyaga oo codsaday in Washington aysan faragelin dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya kooxda iyo Sacuudi Carabiya. Trump ayaa sheegay in Xuutiyiintu aysan dooneyn inay la dagaallamaan Mareykanka, isla markaana oggol yihiin in maraakiibta badankood ay maraan Badda Cas.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo Xuutiyiintu ay horumar ka sameeyeen galbeedka Yemen, kuna sii dhowaanayaan goobaha muhiimka ah ee isu socodka maraakiibta ee Bab al-Mandab. Trump ayaa intaa ku daray in arrimaha qaar la xallin doono, isagoo tilmaamay in hal dal oo aan faraxsaneyn uu jiro.
Sidoo kale, Trump ayaa sheegay inuu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, kaas oo codsaday in Mareykanku duqeymo ka fuliyo Xuutiyiinta, balse Trump ayaa diiday codsigaas, isagoo doorbiday in Washington ay siiso Riyadh xog sirdoon oo ka caawin karta bartilmaameedsiga kooxda.
Xigasho: Caasimada Online —
