Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay roobab culus iyo fatahaado laga filayo 29 magaalo
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa soo saartay digniin ku saabsan roobab culus iyo fatahaado laga filayo Soomaaliya xilliga Deyrta ee October ilaa December 2026. Hay’addu waxay sheegtay in 29 degmo oo ku kala yaalla 14 gobol ay yihiin meelaha ugu nugul fatahaadaha, kuwaas oo la xiriira xaaladda Super El Niño.
SODMA ayaa tilmaantay in digniinta ay tahay fursad dadka iyo hay’aduhu hore ugu diyaar-garoobaan si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo hantiyeed. Soomaaliya waxaa la filayaa inay wajahdo laba nooc oo fatahaado ah: kuwa webiyada Shabeelle iyo Jubba, iyo daadadka degdegga ah oo ka dhasha roobab xooggan oo muddo gaaban da’a.
Hay’addu waxay dadka ku nool meelaha khatarta ah ugu baaqday inay si joogto ah ula socdaan digniinaha rasmiga ah, diyaariyaan goobaha ammaan ah, iyo inay ka fogaadaan togagga iyo dhulka hoose xilliyada roobabka culus. Sidoo kale, SODMA waxay maamullada gobollada ku boorisay inay diyaariyaan goobaha daadgureynta iyo awoodda gurmadka degdegga ah.
