Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka dalalka dhex-dhexaadka ah ee Belgrade
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay shirka dalalka dhex-dhexaadka ah ee ka furmay magaalada Belgrade ee Serbia. Madaxweynaha ayaa halkaas khudbad ka jeediyay, isagoo ka hadlay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida haysata.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada ay u baahan yihiin xalal wadajir ah oo ku dhisan iskaashi caalami ah. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka sameysay xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya loo fidiyo, isagoo adkeeyay in dalku ka go’an yahay dhowrista madax-bannaanida, midnimada dhuleed, caddaaladda iyo sinnaanta. Waxa uu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo nabad.
Xigasho: Caasimada Online —


