Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay caqabadaha dunida ee Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah ee ka furmay magaalada Belgrade ee Serbia. Waxa uu khudbad ka jeediyay shirka, isagoo ka hadlay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida ka jira.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah. Waxa kale oo uu ka warbixiyay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhex-dhexaadka ah, sida dhowrista madaxbannaanida, midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.
Xigasho: Goobjoog —


