Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo shaaciyay in nidaamka mushaharka lagu xiriirinayo NIRA
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) qorshe lagu isku xiriirinayo Nidaamka Mushahar-bixinta Dowladda iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka.
Warqad ku taariikhaysan 29-kii Agoosto 2026 ayaa lagu sheegay in hirgelinta nidaamka cusub ay bilaaban doonto 1-da Oktoobar 2026, iyadoo marka hore la sameynayo tijaabo. Kadibna nidaamka si tartiib ah loogu ballaarin doonaa hay’adaha dowladda, iyadoo la filayo in la dhammeeyo 31-kii Diseembar 2027.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in isku-xirka labada nidaam uu muhiim u yahay xaqiijinta xogta shaqaalaha, hubinta mushaharka iyo la-dagaallanka shaqaalaha aan jirin iyo khaladaadka nidaamka mushahar-bixinta.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in shaqaalaha aan NIRA ka diiwaangashanayn ama aan xogtooda si sax ah loo xaqiijin karin aan lagu dari doonin nidaamka mushahar-bixinta marka nidaamka cusub si rasmi ah u shaqeeyo.
Xigasho: Goobjoog —

