Garoonka Doolow oo dib loo hawlgeliyay laba sano kadib
Garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta dib loo hawlgeliyay, kadib markii uu muddo ku dhow laba sano xirnaa. Duulimaadyadii ugu horreeyay ayaa si rasmi ah uga degeen garoonka.
Xiritaanka garoonka ayaa lala xiriiriyay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Dib-u-furista ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay bulshada gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka Doolow oo muddo dheer ku baaqayay in dib loo bilaabo duulimaadyada.
Doolow, oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo xiriir la leh isu-socodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Dib-u-hawlgelinta garoonka ayaa la filayaa inay fududeyso isu-socodka dadka, ganacsiga iyo isku-xirka bulshada, iyadoo laga rajeynayo inay wax ka tarto dhaqaalaha gobolka.
Xigasho: Goobjoog —

