Danyar ku nool Hargeysa oo ganacsigoodii burbur ku yimid ka soo kaban waayay
Hargeysa – Rooda Xasan Aw Axmed iyo qoyskeeda toban qofka ah ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale kadib markii bishan hore ay xirmatay meheraddii ay ku iibin jirtay khudaar iyo cunnooyin. Ganacsigan ayaa ahaa isha keliya ee ay ku maareyn jireen baahiyaha aasaasiga ah ee reerka.
Rooda ayaa sheegtay in waddo bannayn oo ay hormuud u ahayd Dawladda Hoose ee Hargeysa ay saamaysay ganacsigeeda iyo 69 kale, iyadoo aan loo ogolaan dhul kale oo ay ku ganacsato. Waxay sidoo kale tilmaantay inaysan awoodin inay meel kiraysato, taasoo keentay inay shaqo la’aan noqdaan.
Xoghayaha Guddoomiyaha xerada State House, Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa sheegay in burburka ganacsiyada yaryar uu sababay xaalad dhaqaale oo adag oo ku habsatay qoysaska ku tiirsanaa. Wuxuu xusay in dad badan ay waayeen meel ay si bilaash ah ugu ganacsan karaan, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolol maalmeedka qoysaskaasi.
Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —
