Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Gal
17:52
MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dib u habeyn weyn oo lagu sameynayo shaqaalaha rayidka

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay isbeddello waaweyn oo lagu sameynayo dib u habeynta shaqaalaha rayidka ee hay’adaha dowladda. Wajiga koowaad ee dib u habeynta ayaa lagu bilaabi doonaa agaasime waaxeedyada wasaaradaha.

Xamza ayaa faray golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta dowladda in si buuxda loo hirgeliyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo magacaabista oo ku saleysan kartida iyo mudnaanta. Waxa uu sidoo kale guddiga shaqaalaha rayidka faray in 20-ka Sebtembar la bilaabo wajiga koowaad ee dib u habeynta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono agaasimayaasha guud ee hey’adaha dowladda, iyadoo la tixgelinayo aqoon, khibrad iyo waxqabad. Ujeedadu waa in la dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh oo ka shaqeeya natiijooyin muuqda oo ay shacabka Soomaaliyeed arki karaan.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London