Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dib u habeyn shaqaalaha rayidka
Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay isbeddello waaweyn oo lagu sameynayo dib u habeynta shaqaalaha rayidka ee hay’adaha dowladda. Wajiga koowaad ee isbeddelladan ayaa lagu bilaabi doonaa agaasime waaxeedyada wasaaradaha.
Xamza ayaa faray golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta dowladda in si buuxda loo hirgeliyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo magacaabista oo ku saleysan kartida iyo mudnaanta. Waxa uu sidoo kale guddiga shaqaalaha rayidka faray in 20-ka Sebteembar la bilaabo wajiga koowaad ee dib u habeynta agaasime waaxeedyada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono agaasimayaasha guud ee hey’adaha dowladda, iyadoo la tixgelinayo aqoon, khibrad iyo waxqabad. Ujeedadu waa in la dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh oo ka shaqeeya hirgelinta siyaasadda dowladda iyo natiijooyin muuqda.
Xigasho: Caasimada Online —
