Soomaaliya oo cambaareysay weerar drone oo lagu qaaday Makkah
Raadiyo 5 Newsroom
1 daq akhris
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay isku day weerar diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegtay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Sacuudiga ay joojiyeen diyaaradda ka hor inta aysan gaarin magaalada.
Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah ee Sacuudiga. Wasaaradda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo xaqiijisay xaqa Sacuudiga ee ilaalinta dhulkeeda, dadkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.
Xigasho: Goobjoog —
