Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Gal
03:09
MUQDISHO

Beesha Xawaadle oo ka hortagtay doorashada HirShabelle iyo dalbatay hakinta doorashooyinka

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Beledweyne – Beesha Xawaadle ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay doorashada la qorsheeyay in lagu qabto maamulka HirShabelle, iyaga oo dalbaday in la joojiyo doorashooyinka iyo tallaabooyinka la xiriira dhismaha maamulka cusub. Go’aankan ayaa ka soo baxay kulan maalmo ka socday magaalada Beledweyne, kaas oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin hannaan siyaasadeed oo laga hirgeliyo Hiiraan iyadoo aan heshiis laga gaarin, isla markaana aan la helin oggolaanshaha bulshada deegaanka. Xiirey Axmed Rooble, xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in beesha Xawaadle aysan taageerayn hannaan siyaasadeed oo aan ka turjumayn rabitaanka bulshada reer Hiiraan.

Beesha ayaa ku baaqday in dhismaha HirShabelle lagu saleeyo hannaan loo dhan yahay oo dhinacyada kala duwan ay ku wada qanacsan yihiin, laguna xaqiijinayo caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi. Waxgaradka ayaa sidoo kale ku adkeystay in tabashooyinka reer Hiiraan loo qaato si dhab ah, isla markaana xal looga gaaro wada-tashi iyo is-afgarad siyaasadeed.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London