Beesha Xawaadle oo ka hortagtay doorashada HirShabelle iyo dalbatay hakinta
Beledweyne – Beesha Xawaadle ayaa diiday doorashada la qorsheeyay in laga qabto maamulka HirShabelle, waxayna dalbatay in la joojiyo doorashooyinka iyo tallaabooyinka la xiriira dhismaha maamulka cusub. Go’aankan ayaa ka soo baxay kulan maalmo ka socday magaalada Beledweyne oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha.
War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin hannaan siyaasadeed oo laga hirgeliyo Hiiraan iyadoo aan heshiis laga gaarin iyo oggolaansho laga helin bulshada deegaanka. Xiirey Axmed Rooble, xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in beesha Xawaadle aysan taageerayn hannaan siyaasadeed oo aan bulshada reer Hiiraan ka qayb-galeyn.
Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in dhismaha HirShabelle lagu saleeyo hannaan loo dhan yahay oo dhinacyada kala duwan ay ku wada qanacsan yihiin, isla markaana lagu xaqiijinayo caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi. Waxgaradka ayaa sidoo kale ku adkeystay in tabashooyinka reer Hiiraan loo qaato si dhab ah, lana raadiyo xal siyaasadeed oo wada-tashi ku dhisan.
Xigasho: Caasimada Online —
