Qoysas barakacay oo roob la’aan ku biiray xeryaha Gaalkacyo
In ka badan labo boqol oo qoys oo ka soo barakacay miyiga gobolka Mudug ayaa labadii bil ee la soo dhaafay ku biiray xeryaha magaalada Gaalkacyo, kadib markii roob la’aan ay ka laysay xoolihii ay dhaqanayeen. Qoysaskan ayaa waxaa ku wajahan nolol xumo aad u liidata.
Fardowso Nuur Maxamed oo ka mid ah dadka barakacay ayaa sheegtay inay cunno, biyo iyo hoy u la’dahay carruurteeda oo lix ah tan iyo bishii Abriil oo ay soo gaartay xerada Xoriyo. Waxay tilmaantay inay ku tiirsan yihiin caawimaad dadka xerada sii deganaa, balse ay maalmaha qaar ku qasbanaadaan inay qatooyo joogaan.
Fardawso oo kaligeed korisa carruurta ayaa sheegtay in xaaladda ilmaheeda ay ka sii darayso marba marka ka danbaysa, iyadoo qarka u saaran nafaqo darro. Waxay intaas ku dartay in xerada ka jirto qandho aysan aqoon iyo hargan daran, kuwaas oo dhamaan ilmaha kaga dhacay, isla markaana ay la kulmeen hoy la’aan.
Xaawo Aadan Diirshe oo iyaduna ka mid ah dadka barakacay ayaa sheegtay in muddo labo bil ah ay carruurteeda u la’dahay cunno iyo hoy ku filan. Waxay xustay in ay dhibaato xooggan kala kulmaan helidda biyaha, maaddaama hal tubbo oo xerada oo dhan laga cabayay ay go’an tahay muddo bil iyo bar ah. Sidoo kale waxay sheegtay inay dayn ku leedahay dukaammo ku yaalla Gaalkacyo oo ay raashin ka amaahan jirtay.
Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —

