Haweeney British ah oo laga badbaadiyay afduub ka dhacay Malawi
Nusrat Osman oo 47 jir ah ayaa laga badbaadiyay howlgal booliis oo ka dhacay meel u dhow magaalada Blantyre ee koonfurta Malawi. Howlgalka ayaa sababay dhimashada afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen afduubayaal, halka sarkaal booliis oo sare uu dhaawac soo gaaray.
Afhayeenka Booliiska Malawi ayaa sheegay in afduubayaasha la toogtay kadibna isbitaalka lagu geeyay halkaas oo ay ku dhinteen. Kusimaha Taliyaha Booliiska, Noel Kayira, oo ku dhaawacmay howlgalka ayaa sidoo kale isbitaalka lagu daweynayaa, xaaladdiisana lagu sheegay mid deggan. Nusrat Osman ayaa la kulantay qoyskeeda kadib markii la badbaadiyay, waxaana sidoo kale isbitaalka loo qaaday si loo qiimeeyo xaaladdeeda caafimaad iyo maskaxeed.
Walaalka Osman, Shobi Jiwa, ayaa booliiska Malawi ku amaanay dadaalkooda ku aaddan badbaadinta walaashiis, isagoo sarkaalka dhaawacmay ku tilmaamay geesi qoyska u ah. Booliiska ayaa sheegay in aysan weli shaacin magacyada afduubayaasha dhintay iyo sida ay ku heleen kooxdii afduubka geysatay. Osman ayaa la afduubtay 11-kii September iyadoo ku jirtay gaarigeeda magaalada Blantyre, waxaana booliiska ay bixiyeen abaalmarin 30 milyan oo kwacha Malawi ah oo ku saabsan xog keeni karta badbaadinteeda iyo qabashada dambiilayaasha.
Xigasho: Hiiraan Online – Somali News —
