Soomaaliya ma xannibin muwaadiniinta Turkiga ee dal-ku-galka
Ankara – Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in Soomaaliya ay xannibaad ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga ee doonayay inay dalka soo galaan. Qoraal ka soo baxay xarunta DMM ee Turkiga ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo marin-habaabin ah.
Dowladda Turkiga ayaa caddeysay in heshiisyo iyo nidaamyo u oggolaanaya isu-socodka muwaadiniinta labada dal ay weli jiraan, isla markaana aan wax isbeddel ah lagu sameyn shuruudaha dal-ku-galka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya. Waxa kale oo la sheegay in aan jirin go’aan cusub oo lagu xannibayo ama lagu adkeynayo isu-socodka muwaadiniinta labada dhinac.
Xarunta DMM ayaa bulshada ugu baaqday inay ka taxaddaraan wararka aan rasmi ahayn, isla markaana ay xogta ku saabsan isu-socodka iyo shuruudaha dal-ku-galka ka raadsadaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso. Beenintan ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sheegashooyin la xiriiray in dowladda Soomaaliya ay diiday dal-ku-galka muwaadiniin Turkiga ah.
Xigasho: Caasimada Online —
