Soomaaliya oo ka qeyb gashay Madasha Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga
Beijing – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga. Madashan ayaa waxaa martigeliyay Wasiirka Difaaca Qaranka ee Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Wasiir Fiqi wuxuu madasha kaga hadlay arrimaha nabadda, amniga iyo iskaashiga dhinaca difaaca. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo guud ahaan iskaashiga Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Madasha ayaa diiradda saartay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca. Masuuliyiinta ka qeybgalay ayaa ka wada hadlay caqabadaha amni ee Afrika iyo fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqeynta caalamiga ah. Ka qeybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirrada caalamiga ah ee dhinaca tababarka iyo tayeynta ciidamada.
Xigasho: Goobjoog —
