Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 17 Sebtembar 2026
Gal
18:30
MUQDISHO

Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya gabar Soomaali ah

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa $5 milyan oo la siinayo qof kasta oo keena xog ku saabsan Khadra Essa, haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Netherlands. Khadra ayaa lagu eedeeyay inay door sare ku lahayd koox haween ah oo ka tirsan ururka Daacish ee Suuriya.

Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Khadra, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, ay ahayd macallimaddii ugu sarreysay ee shareecada ee guutada haweenka ee Nusaybah Katibah. Khadra ayaa Suuriya u safartay 2014, halkaas oo lagu tababaray hubka, walxaha qarxa iyo weerarrada ismiidaaminta ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Khadra inay dhiirrigelin jirtay rabshadaha, baraysay fikrado xagjir ah, isla markaana hoggaamin jirtay koox fulisa xeerarka Daacish. Waxa kale oo lagu sheegay inay gacanta ku haysay carruur la afduubtay, oo ay ku jiraan laba carruur Mareykan ah oo ay hooyadood u kaxeysay Suuriya. Rewards for Justice ayaa bixineysa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $5 milyan oo lagu helayo xog ku saabsan carruurtaas.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 17 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London