Koonfur Galbeed oo xoojineysa diyaar-garowga saameynta El-Niño
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cimilada iyo saadaasha roobabka El-Niño, iyadoo diiradda la saaray qorshayaasha lagu xoojinayo diyaar-garowga fatahaadaha iyo roobabka xooggan.
Guddiga ayaa warbixin ka siiyay hoggaamiyaha qorshayaasha wacyigelinta bulshada, kaydinta raashinka iyo dawooyinka, iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta samafalka ee gobolka. Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha ka hortagga si loo yareeyo khataraha fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siiyo badbaadinta nolosha iyo hantida shacabka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta dowladda, maamulka degmooyinka, bulshada deegaanka iyo hay’adaha samafalka. Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada loogu diyaar-garoobayo xaaladaha degdegga ah.
Xigasho: Goobjoog —
