Reer Seoul oo diidan in ciidamo loo diro marin-biyoodka Hormuz
Seoul – Kooxo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Koonfurta Kuuriya ayaa maanta isugu soo baxay meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Seoul iyagoo ka hor yimid cadaadiska uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hayo dowladda Kuuriyada Koonfureed si ay ciidamo ugu diraan marin-biyoodka Hormuz.
Dadka mudaharaaday ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah tallaabadaas, iyagoo muujinaya diidmada ay ka qabaan in ciidamo laga diro dalkooda meelahaas. Arrintan ayaa timid iyadoo warbaahinta Politico, CNN iyo MS NOW loo diiday inay galaan Aqalka Cad kadib markii Trump uu mamnuucay warbaahintaas.
Sidoo kale, weriyeyaasha warbaahintaas ayaa sheegay in kaararkooda aqoonsiga ee Aqalka Cad la joojiyay, taasoo keentay in aysan awoodin inay gudaha galaan. Trump ayaa ku eedeeyay warbaahintaas inay faafiyeen warar been abuur ah oo ku saabsan maamulkiisa, halka dadka u dooda xorriyadda saxaafadda ay tallaabadaas ku tilmaameen mid aan dastuuri ahayn.
Xigasho: BBC Somali —
