Wafdi Sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan oo Muqdisho soo gaaray
Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan. Wafdigan waxaa hoggaaminayey Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.
Soo dhaweynta wafdigan ayaa qeyb ka ah xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Intii uu wafdigu ku sugnaa Muqdisho, waxaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan saraakiisha sare ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed si looga wada hadlo arrimaha iskaashiga milatari, tababarrada, iyo horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Pakistan ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca. Booqashadan ayaa sidoo kale muujinaysa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee dhinaca milatariga.
Xigasho: Goobjoog —
