Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Jimce, 18 Sebtembar 2026
Gal
02:06
MUQDISHO

Soomaaliya ma xannibin muwaadiniinta Turkiga

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Ankara – Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in Soomaaliya ay xannibaad dal-ku-gal ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga. Qoraal ka soo baxay xarunta DMM ee la-dagaallanka wararka been-abuurka ah ee Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo marin-habaabin ah.

Dowladda Turkiga ayaa caddeysay in labada dal ay weli leeyihiin heshiisyo iyo nidaamyo u oggolaanaya isu-socodka muwaadiniintooda. Waxa ay sidoo kale xaqiijisay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn shuruudaha dal-ku-galka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Bayaanka ayaa ugu baaqay bulshada inay ka taxaddaraan wararka aan kasoo bixin ilo rasmi ah, isla markaana ay xogta ku saabsan isu-socodka iyo shuruudaha dal-ku-galka ka raadsadaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso. Beenintan ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sheegashooyin la xiriiray in Soomaaliya ay diiday dal-ku-galka muwaadiniinta Turkiga.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Jimce, 18 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London