Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Gal
11:02
MUQDISHO

EU-da oo muujisay diyaar garow ay Kanada ugu yeedhayso xubinnimada ku meel gaarka ah

Raadiyo 5 Newsroom 2 daq akhris

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Strasbourg – Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu albaabka u furo Kanada si ay u noqoto xubinta ugu horreysa ee ku meel gaarka ah ee Midowga Yurub, taasoo ah nooc aan weli ku jirin heshiisyada ururka.

Von der Leyen ayaa hadalkan ka jeedisay khudbadeeda sanadlaha ah ee xaaladda Midowga Yurub, iyadoo tilmaantay in iskaashiga qotada dheer uu yahay doorasho istiraatiiji ah oo looga jawaabayo kala qaybsanaanta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka. Waxay sheegtay in Yurub iyo Kanada ay wadaagaan aragti isku mid ah oo ku saabsan arrimaha waaweyn sida sirdoonka macmalka ah, isbeddelka cimilada, iyo siyaasadda caalamiga ah, islamarkaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha Ukraine, difaaca, iyo silsiladaha sahayda.

Madaxweynaha Guddiga Yurub ayaa sidoo kale u sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney oo maanta ka qaybgalaya baarlamaanka Yurub in la baahanyahay in dib loo qaabeeyo iskaashiyada caalamiga ah, iyadoo ku dhawaaqday in ay rabto in Kanada loo oggolaado inay noqoto xubinta ugu horreysa ee ku meel gaarka ah ee Midowga Yurub. Von der Leyen ayaa intaa ku dartay in iskaashiga labada dhinac uu ku fidi doono warshadaha, sirdoonka macmalka ah, macdanta muhiimka ah, iyo tamarta.

Von der Leyen ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskan aanu ujeedkiisu ahayn in lagu beegsado cid saddexaad, iyadoo ka jawaabeysa xiisadaha sii kordhaya ee caalamka iyo xiriirka Canada iyo Mareykanka oo hoos u dhacay. Waxay tilmaantay in Yurub ay wajahdo jawi dagaal iyo tartan adag, islamarkaana ay muhiim tahay in Midowga Yurub uu yeesho madax-bannaani iyo awood uu isku difaaco.

Xigasho: Jowhar News Leader | Somali News —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Arbaco, 16 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London