Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Talaado, 1 Sebtembar 2026
Gal
10:14
MUQDISHO

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuuraha oo sababay nolol xumo Hargeysa

Raadiyo 5 Newsroom 2 daq akhris

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Ku dhawaad 100 qoys oo danyar ah ayaa la kulmay nolol xumo magaalada Hargeysa kadib markii ganacsiyo ay ku tiirsanaayeen ay xirmeen saddexdii bilood ee ugu dambeeyay. Ganacsiyada ayaa xirnaa sababo la xiriira canshuuraha cusub ee Wasaaaradda Maaliyadda Somaliland soo rogtay, badeeco xumo iyo macaamiil yari.

Canab Jaamac Furre oo ka mid ah dadka dhibaatadu saameysay ayaa sheegtay in ganacsigeedii raashinka iyo bagaashka uu xirmay, taasoo keentay inay qoyskeeda oo ka kooban 7 qof ay la tacaalayaan baahiyaha aasaasiga ah. Waxay tilmaamtay in dakhliga ganacsiga uu ahaa isha keliya ee ay ku dabooli jireen cunnada iyo biyaha, balse hadda aysan awoodin inay dabka shidaan si joogto ah.

Hoodo Axmed Cabdullahi oo qoyskeeda ka kooban yahay 12 qof ayaa sidoo kale sheegtay inay wajahayaan xaalad adag oo muddo 7 sano ah aanay la kulmin. Waxay sheegtay in ganacsigeedii uu xirmay, iyadoo ay saameeyeen canshuuraha iyo qiimaha sareeya ee shidaalka iyo raashinka. Waxay sidoo kale tilmaamtay in biyo yari iyo dhibaatooyin kale oo nololeed ay sii kordheen.

Faadumo Xayd Cali, xoghayaha guddiga ganacsatada yaryar, ayaa sheegtay in xaaladdan ay saameysay ku dhawaad boqol ganacsato, kuwaas oo goobahoodii ganacsi ay ka xirmeen. Waxay tilmaamtay in kororka shidaalka, canshuuraha iyo sicir bararka ay sabab u yihiin dhibaatooyinka ganacsatada iyo qoysaska danyarta ah.

Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Talaado, 1 Sebtembar 2026
Wararka