Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiisay dalagyada beeraleyda Togdheer
Deegaanada hoostaga degmada Sheekh ee gobolka Togdheer, duurjoogga gaajada qabtay ayaa qasaare weyn u geystay dalagyada beeraleyda. Xayawaanka sida daanyeerka iyo doofaarrada ayaa cunay dalagyadii beeraleyda, taasoo keentay in 150 beeraley ay joojiyaan tacabka beeraha.
Guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda, Axmed Cumar Cige, ayaa sheegay in dhir yari iyo roob la’aan ay sabab u yihiin in xayawaanka ay si sahlan u weeraraan beeraha. Waxa uu tilmaamay in aysan jirin gaashaan lagu difaaco beeraha, sidoo kalena aysan isticmaalin karin sunta xayawaanka sababtoo ah waxay waxyeello u geysaneysaa deegaanka iyo dadka.
Mid ka mid ah beeraleyda, Maxamed Cismaan Warsame, ayaa sheegay in uu ku khasbanaaday in uu joojiyo beerashada kadib markii xayawaanka ay baabi’iyeen dalagyadiisa. Wuxuu sheegay in qasaaraha uu gaaray $800, taas oo keentay in uu kala fogeeyo qoyskiisa si uu u yareeyo culayska nolosha. Beeraleyda ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya biyo yari iyo sicir barar, taasoo sii adkaysay xaaladda.
Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —
