Ciidamo Asluub ah oo xirtay waddada Xabsiga Dhexe iyagoo gadoodsan
Ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xirtay waddada ku taalla agagaarka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyagoo gadood ka muujiyay mushaarkooda oo aan la siin muddo labo sano ah. Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso ilaa 500 ayaa dalbaday in dowladda federaalka ay wax ka qabato cabashadooda.
Mid ka mid ah askarta gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay muddo dheer shaqeynayeen iyagoo aan helin xuquuqdooda, isla markaana tallaabada ay qaadeen ay tahay mid ay codkooda ku muujinayaan. Askari kale ayaa sheegay in ballamo hore oo dowladda ay siisay ciidanka ay ka baxday, ayna doonayaan in xuquuqdooda la siiyo.
Gadoodkan ayaa ah kii labaad oo ay sameeyaan ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo cabashooyin ka muujinaya xaaladda shaqo iyo xuquuqda ay sheegayaan in aan la siin. Ilaa hadda dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintan.
Xigasho: Caasimada Online —
Sii akhri
QM oo sheegtay in Boosaaso ay noqotay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo RSF4 saac ka hor
QM oo sheegtay in Boosaaso ay tahay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo ciidamada RSF ee Sudan4 saac ka hor
Qaramada Midoobay oo shaacisay in ilaa 2,000 askari oo Colombian ah la geeyay Suudaan6 saac ka hor