Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 21 Sebtembar 2026
Gal
14:53
MUQDISHO

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo lagu qabtay Gaalkacyo kadib markii ay soo galeen Puntland

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Gaalkacyo – Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay kasoo gudbeen dhanka Galmudug. Ciidamadaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 130 askari ayaa la doonayay in gudaha Puntland lagu soo geliyo si ay falal amni-darro ah uga geystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan lagu waday laba gaari oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana lagu qabtay gudaha waqooyiga Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland. Saraakiil iyo macallimiin tababarayaal ah ayaa watay ciidankan, oo uu ku jiro madaxa tababarka gobollada dhexe, Carab Maxamed Maxamuud.

Maxamuud Muuse Bille ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska Puntland ay si bareer ah u jiireen kastamkii dhexe, kadibna ciidanka la qabtay ay ku socdaan baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo xogta iyo ujeeddada ay u galeen gudaha Puntland. Dowladda dhexe weli kama aysan hadlin arrintan.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Isniin, 21 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London