Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 17 Sebtembar 2026
Gal
02:54
MUQDISHO

Markab xamuul ah oo ku caariyay xeebaha Soomaaliya

Raadiyo 5 Newsroom 1 daq akhris

🌐 Read in English →

1 daqiiqo akhris
La wadaag

Muqdisho – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in markabka xamuulka qaada ee M/V JACUAR uu ku caariyay xeebaha Soomaaliya kadib markii biyo galeen qeyb ka mid ah markabka.

Markabkan oo watay calanka Saint Kitts and Nevis ayaa ka soo baxay Dekedda Nacala ee Mozambique, isagoo ku sii jeeday Dekedda Adabiya ee Masar. Waxaa markabka saarnaa 18 shaqaale ah oo u dhashay Hindiya, Suuriya iyo Masar.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha khuseeya, isla markaana la isku dubbaridayo howlaha gurmadka iyo samatabbixinta si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha. Waxay sidoo kale ballanqaadday inay sii wadi doonto wargelinta shacabka iyo dhinacyada ay khusayso.

Xigasho: Goobjoog —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 17 Sebtembar 2026
Wararka
Websaydhkan waxaa dhisay MYiTECH · Site built by MYiTECH, London