Mareykanka oo soo jeediyay in UNSOS la siiyo 12 bilood oo kala-guur ah
Dowladda Mareykanka ayaa muujisay inay diyaar u tahay in xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) la siiyo muddo 12 bilood ah oo uu si tartiib ah uga baxo howlaha ka hor inta aan gebi ahaanba la xirin. Qorshahan ayaa lagu sheegay warqad aan rasmi ahayn oo Mareykanku la wadaagay dhinacyada ay quseyso, taas oo ay aragtay majaladda The EastAfrican.
Mareykanka ayaa sheegay in muddada kala-guurka ay bilaabato marka uu dhammaado oggolaanshaha hadda ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) 31-ka December 2026. Tallaabadan ayaa ka gaaban muddada ay dalbadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM oo doonaya in taageerada UNSOS la sii wado 18 ilaa 24 bilood.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in qorshahan uu siinayo waqti dheeraad ah oo lagu diyaariyo kala-guurka, isla markaana uu yareynayo walaaca ka dhashay xiritaanka degdegga ah ee UNSOS. Hase yeeshee, waxay diiday dalabka muddada dheer ee dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, taas oo ka dhigtay in Britain ay wajahdo xaalad adag oo ku saabsan heshiiska ugu dambeeya ee Golaha Ammaanka.
Xigasho: Caasimada Online —
