DF Soomaaliya oo sheegtay in Baaqii Ankara uu noqday heshiiska hagaya xiriirka Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Baaqii Ankara uu hadda yahay heshiiska hagaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in heshiiskaas oo bishii December 2024 lagu gaaray Ankara uu dejiyey hannaan cusub oo lagu maareynayo xiriirka labada dal iyo arrinta marin-badeedka Itoobiya.
Cali Balcad ayaa sheegay in Baaqii Ankara uu labada dal ku adkeeyey ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, xornimada iyo wadajirka dhuleed. Waxa uu tilmaamay in heshiis kasta oo la xiriira marin-badeedka Itoobiya uu ku imaanayo wada-hadal iyo heshiis rasmi ah oo labada dowladood dhex mara, isla markaana aan waxba laga dhimayn madax-bannaanida Soomaaliya.
Heshiiska Ankara ayaa yimid kadib markii Itoobiya ay Janaayo 2024 heshiis is-afgarad la gashay Somaliland, taas oo Soomaaliya si adag u diidday. Tan iyo markaas, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilaabay wadahadallo farsamo oo lagu dhaqan-gelinayo Baaqii Ankara, iyadoo xiriirkooda uu soo hagaagay kadib xiisaddii ka dhalatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.
Xigasho: Caasimada Online —


