Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 3 Sebtembar 2026
Gal
09:55
MUQDISHO

Qoysas laga raray xeryo Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

Raadiyo 5 Newsroom 2 daq akhris

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Qoysas barakac ah oo laga saaray xeryo ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa lagu dajiyay dhul bannaan oo ku yaalla deegaanka Halgan, 25 kiiloomitir u jira magaalada. Qoysaskan oo tiradoodu gaareyso 300 ayaa sheegay inay la kulmayaan shaqo la’aan, cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo.

Faadumo Xasan Xuseen oo ka mid ah qoysaskaasi ayaa sheegtay in ay shaqo la’aan tahay muddo afar bilood ah, iyadoo horey nolosheeda uga soo saari jirtay shaqo dhar dhaqis ah. Waxay tilmaantay in safarka Kismaayo uu qaali yahay, taasoo adkeysa helitaanka shaqo iyo nolosha qoyska. Sidoo kale, waxay sheegtay in dabeysha xagaaga ay burburisay aqal cooshad ah oo ay deggenayd.

Maxamed Wali Dayib oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 qof ayaa sheegay in uu shaqo la’aan yahay, isla markaana uu ku qasban yahay in uu magaalada Kismaayo joogo si uu u helo lacagta uu ku daboolo baahiyaha qoyska. Wuxuu tilmaamay in biyaha deegaanka ay ku adag tahay helitaankooda, iyadoo qoysasku biyaha ka soo qaataan webiga Jubba oo saddex kiiloomitir u jira.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruuca dib u dejinta uu socdo, waxaana la siinayaa dadka dhul ay leeyihiin, waxbarasho hoose iyo dhexe, iyo xarun caafimaad oo bilaash ah. Madaxa xafiiska dib u dejinta ayaa sheegay in qorshe taageero ah oo cusub la hirgelin doono, kaas oo ka caawin doona dadka barakacayaasha ah inay helaan xoolo, xirfado kalluumaysi iyo beeraha.

Xigasho: Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 3 Sebtembar 2026
Wararka