Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 3 Sebtembar 2026
Gal
09:44
MUQDISHO

QM oo sheegtay in Boosaaso ay noqotay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo RSF

Raadiyo 5 Newsroom 2 daq akhris
Flickr - Israel Defense Forces - Arms Smuggling Thwarted in Gaza (3)
Sawir: Israel Defense Forces from Israel (BY) — https://commons.wikimedia.org/w/index.php?curid=16621762

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in magaalada Boosaaso ee Puntland ay tahay marin joogto ah oo shabakad caalami ah u adeegsatay in lagu gudbiyo hub, qalab milatari iyo dagaalyahanno shisheeye oo loo dirayo ciidamada RSF ee Sudan. Warbixin ay soo saartay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaqiiqo Raadinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shabakadan ay isku xirto Imaaraadka Carabta, Chad, koonfur-bari Libya iyo Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in goobo ku yaalla Chad, Libya iyo Puntland loo isticmaalay xarumo saadka iyo transit ah oo lagu gudbiyo hub, shaqaale iyo sahay milatari oo ku sii jeeda deegaannada ay RSF maamusho. Boosaaso ayaa lagu tilmaamay xarun saadka iyo marin joogto ah oo ay isticmaalaan shirkado gaar loo leeyahay, dhexdhexaadiyeyaal iyo shaqsiyaad ka howlgala dalal dhowr ah, oo Soomaaliya ku jirto.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradaha waaweyn ee xamuulka qaada ay isku xiri jireen Boosaaso, Kufra iyo Benghazi oo Libya ku yaalla iyo Chad, halkaas oo shaqaale iyo xamuul looga sii gudbin jiray gudaha Sudan. Waxaa kaloo la sheegay in dagaalyahanno Colombian ah oo tiradoodu u dhexeyso 350 ilaa 2,000 ay qeyb muhiim ah ka ahaayeen shabakadda taageerta RSF, iyagoo qabtay howlaha farsamo ee milatari sida hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tababar ciidan.

Guddiga QM ayaa sheegay in aysan helin jawaab wax ku ool ah oo ka timid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan howlaha laga fuliyey dhulkeeda, balse dowladda federaalka ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadatay natiijooyinka warbixinta. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ka warqabay una oggolaaday in Boosaaso loo isticmaalo xarun saadka ah oo sahay loogu gudbiyo RSF.

Xigasho: Caasimada Online —

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 3 Sebtembar 2026
Wararka