Madaxweynaha Somaliland oo booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka
Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Maxamed Cabdilaahi Irro ayaa Khamiistii ka ambabaxay Hargeysa isagoo ku sii jeeda Mareykanka, safar uu ku marayo Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee Irro uu ku tago Mareykanka tan iyo markii uu xilka qabtay. Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isagoo gudbin doona codka, danaha iyo himilooyinka shacabka Somaliland.
Madaxtooyada ayaa intaa ku dartay in safarkani uu muujinayo sida Somaliland ay si kalsooni leh, masuuliyad leh iyo aragti qaran ugu hawlan tahay xiriirka caalamiga ah, islamarkaana diyaar u tahay iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan danaha wadajirka ah.
Booqashada Irro ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay dadaallo diblomaasiyadeed ku raadineyso aqoonsi caalami ah iyo xoojinta xiriirka dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991, balse weli ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah.
Xigasho: Hiiraan Online – Somali News —
Sii akhri
QM oo sheegtay in Boosaaso ay noqotay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo RSF5 saac ka hor
QM oo sheegtay in Boosaaso ay tahay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo ciidamada RSF ee Sudan5 saac ka hor
Qaramada Midoobay oo shaacisay in ilaa 2,000 askari oo Colombian ah la geeyay Suudaan6 saac ka hor