Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga Hindisaha Geeska Afrika
Soomaaliya ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee Itoobiya ku martigelisay shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay Hindisaha Geeska Afrika. Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo ku baaqay in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha hal aag dhaqaale oo wadaag ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ansixinta iyo hirgelinta Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee sannadaha 2026 ilaa 2031 iyo dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga. Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga, maalgelinta iyo ka qaybgalka ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa taageeray qorshe-hawleedka iyo dhismaha guddiga gobolka. Dowladda Jarmalka ayaa iyaduna xaqiijisay taageerada ay u hayso ajendaha ganacsiga gobolka, iyadoo tilmaantay muhiimadda hoggaanka dalalka iyo isku-dubaridka taageerada farsamo iyo maaliyadeed.
Xigasho: Goobjoog —
Sii akhri
QM oo sheegtay in Boosaaso ay noqotay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo RSF4 saac ka hor
QM oo sheegtay in Boosaaso ay tahay xarun hub iyo dagaalyahanno loogu gudbiyo ciidamada RSF ee Sudan4 saac ka hor
Qaramada Midoobay oo shaacisay in ilaa 2,000 askari oo Colombian ah la geeyay Suudaan6 saac ka hor