Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbixin ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku saabsan xaaladda guud ee ciidanka iyo howlgallada socda. Taliyaha Ciidanka, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Madaxweynaha u sheegay guulaha laga gaaray la dagaalanka kooxda Shabaab iyo sugidda amniga dalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaal lagu horumarinayo laguna casriyeynayo ciidamada si ay u yeeshaan awood buuxda oo amniga dalka lagu xaqiijinayo. Madaxweynaha ayaa ku amray in la laba jibbaaro howlgallada ka dhanka ah Shabaab iyo in la dardargeliyo dadaallada casriyeynta ciidanka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in muhiim tahay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran ee difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka.
Xigasho: Goobjoog —


