Canada oo raadinaysa iskaashi gaar ah oo ay la yeelato Midowga Yurub iyada oo aan xubin ka noqonayn
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sheegay in dalkiisu doonayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Midowga Yurub iyada oo loo marayo iskaashi gaar ah, balse uusan Canada raadineyn in ay xubin ka noqoto Midowga Yurub. Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbixin ay soo saartay Wall Street Journal ay sheegtay in Carney uu baadhayo suurtogalnimada in Canada ay hesho xiriir “xubin la socota” Midowga Yurub.
Carney ayaa sheegay in labada dhinac ay wadaagaan qiyamka iyo mudnaanta, isla markaana ay leeyihiin awoodaha isugu dhigma. Waxa uu intaas ku daray in Canada ay bilaabi doonto wadaxaajood ku saabsan iskaashigan cusub. Xafiiska Carney ayaa xaqiijiyay in todobaadkan uu booqan doono Faransiiska iyo Britain, halkaas oo uu ka hadli doono baarlamaanka Yurub iyo khudbadda Madaxweynaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen.
Warbixinta Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadlaan sidii alaabada, adeegyada, iyo shaqaalaha Canada ee ku lug leh silsiladaha sahayda istiraatiijiga ah ay si xor ah ugu dhaqaaqi lahaayeen Midowga Yurub. Waxaa sidoo kale socda wadaxaajood ku saabsan mashaariic waaweyn oo isgaarsiineed iyo kaabayaal ah, sida xadhkaha biyaha hoostooda lagu marsiinayo, xarumaha xogta, kaydinta daruuraha, iyo shabakadaha dayax-gacmeedka cusub.
Xigasho: Jowhar News Leader | Somali News —
